Taariikhda
24.03.2019


İsbitaalka dhismihiisa wuxuu bilowday 12 may 2012 waxaana la dhameystiray 14 September 2013 wuxuuna adeegyada caafimaadka bilaabay Augost 2014.  İsbitaalkeena wuxuu joogaa heerka isbitaalada Tababarada iyo Cilmi baarista wuxuuna leeyahay 205 sariir.İsbitaalkeenu kuma koobna kaliya daweynta bukaanada wuxuu kaloo soo saaraa dhaqaatiir iyo shaqaale kale oo caafimaad.guud ahaan cabirka dhulka ee isbitaalka waa 63,000 m2 sidoo kale  waxaa ku yaalo hooyga shaqaalaha, İskoolka kalkaaliyayaasha iyo Masaajid. Garaashka gawaarida la dhigto ee isbitaalka wuxuu qaadaa 400 oo gaari.

Qeybaha İsbitaalkeena sida Qeybta wiisitada, Bukaan jiifyada,Qololka Qaliinka, Qololka Dhalmada, Qeybta Xaaladaha Adag, MRI,tomography,qeybta dhagxaanta burburisa,kilyo dhaqista,qeybta cabirka lafaha, iyo Qeybta jimicsiga dhamaan qeybahaan si dhameystiran ayay ushaqeynayaan. Markay taariikhdu ahayd  25.01.2015, waxaa si rasmi ah ufuray İsbitaalka Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip ERDOĞAN.