Deeq la Gudoonsiiyay Maamulka Hirshabelle
12.07.2018

İsbitaalka Tababarada iyo Cilmi-baarista ee Recep Tayyip Erdoğan Muqdisho wuxuu ugu deeqay Maamulka hirshabelle daawooyin, qalab caafimaad iyo bustayaal qiimahoodu udhigmo $ 30,000. Waxaa 24 nuuc oo daawo ah iyo 33 nuuc oo qalab caafimaad ah iyo 140 walxaha laga sameeyo bustayaasha  lagu wareejiyay Wasiirka caafimaadka Hirshabelle md: Abdi Mo’alim, Dr.Saido Mohamed Hassan iyo Md: Mohamed Osman. waxaa kaloo lagu heshiiyay dhaqaatiirta iyo kalkaaliyayaasha iyo suuxiyayaasha ay soo diri doonaan Maamulka Hirshabelle maalmaha soo socdo in la siiyo tababar socon doono mudo 3 bilood ah. Wasiirka caafimaadka Hirshabelle Md: Abdi Mo’alim  ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay deeqda la siiyay Hirshabelle una mahadceliyay Maamulaha İsbitaalka Assoc.Prof.Dr. Mustafa ÇÖRTÜK iyo JamhuuriyaddaTurkiga.

  • Hirshabelle’ye  yardım..
  • Hirshabelle’ye  yardım.
  • Hirshabelle’ye  yardım.
  • Hirshabelle’ye  yardım.
  • Hirshabelle’ye  yardım.
  • Hirshabelle’ye yardım.