Adeegyada İnterventional Radiology.
07.08.2018

Waxaanu Bilaawnay İnaan Bixino Adeegyada İnterventional Radiology.

Waxaa isbitaalka Soomaalida iyo Turkida ee Cilmi baarista iyo Tababarada ee Recep Tayyip ERDOĞAN imaaday bukaan dumar ah oo 59 jir ah kana cabaneysay calool xanuun,Qandho iyo matag.waxaa qaabilay bukaanka Assoc.Prof.Dr.Ömer Topuz. Jawaabihii kasoo baxay baaritaanadii loo sameeyay iyo ultrasonogarphy iyo CT scankii la saaray kadib waxaa la ogaaday inuu jiro Abscess weyn oo meel hoose ku yaalo qeybta midig hoose ee caloosha iyo mindhiciraha weyn gadaashooda.

            Bukaan rag ah oo 40 jir ah oo asna ka cabanaayo isla dhibkaas ayaa yimid isbitaalka waxaana loo sameeyay baaris sidoo kale ultrasonography iyo CT scana waa la saaray.waxaa la ogaaday in dhinaca danbe ee caloosh,dhanka midig ee psoaska uu jiro pus focus gaaraayo ilaa gumaarka.

Kadib marki lala tashtay qeybta qaliinka guud waxaa la go’aamiyay in labada bukaanba laga saaro Abscess ayadoo la adeegsanaayo Ultrasonography iyo CT scan. Markay taariikhdu ahayd 30.07.2018 waxaa laba bukaanba si guul ah loogu sameeyay in Abscesska la qalajiyo ayagoo si local ah loo suuxinaayo.

Kadib qaliin guul ku dhamaaday, ayagoo sharaxaayo caafimaadka bukaanada Dr.Aresh Soudmand iyo Assoc.Prof.Dr.Ömer Topuz  waxay sheegeen “ ayagoo isbarbardhigaayo habka xiran oo ay la socdaan ultrasonography iyo CT scan marka la saaraayo Abscesska in uu ka faa’ido badan yahay marka habka furan ee Qaliinka. Daaweynta kadib in bukaanku caadi kusoo noqonaayo mudo yar, in qatarta  complicationka ay yar tahay,iyo in dhaawac qaliin uusan ku reebin bukaanka, waa qeyb ka mid ah faaidooyinka habka xiran”.

Sidaan oo kale ayadoo ultrasonography lala adeegsanaayo habka xiran ee qaliinka oo caloosha dhexdeeda lagu qalajiyo Abscesska waa marki ugu horeysay oo si guul ah loogu sameeyo Soomaaliya.

Ka shaqaalaha isbitaalka Soomaalida iyo Turkida ee Recep Tayyip Erdoğan ahaan waxaan sii wadi doonaa inaan Shacabka Soomaaliyeed siino adeegga caafimaad ee ugu fiican.









  • 0eb1ebce-7a7b-41de-b34c-430217a5d6b4.jpg
  • 1f1b7c60-42a0-45e4-9975-ab13e03d6e88.jpg
  • 21a2b87a-cd77-4a62-81df-eb7d4dbf7044.jpg
  • 3cce9031-b28f-413a-9aa7-ff34bafdfb98.jpg
  • 7fbef47e-1253-4d8c-9b60-264b032a4bbc.jpg