Maalmaha Caafimaadka Soomaali-Turki
19.08.2018

Maalmaha Caafimaadka Soomaali-Turki

Waxaa si guul ah noogu soo dhamaaday barnaamijkii koowaad ee Maalmaha caafimaadka Soomali-Turk.

Waxaa barnaamijka kasoo qeybgalay Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Soomaaliya mudane Abdullahı Hashi iyo safiir ku xigeenka Turkiga ee Soomaaliya mudane Alican AKSOY iyo wakiilo matalayey hay’do kale waxay adkeeyeen in lasii wado adeegyada caafimaad ee ku qotoma walaalnimada Turkiga iyo Soomaaliya.

Guud ahaan waxaa laso diyaariyay 42 boor waxaana hadyado lagudoonsiiyay sadexda ugu horeysa.

  • Safiirka ku xigeenka Turkiga ee Soomaaliya Mudane Alican AKSOY ayaa gudoonsiiyay hadyadiisa dhaqtarka kaalinta koowaad galay Dr.Abdinafic Mohamud Hussein.
  • Agaasimaha wasaarada caafimaadka Soomaaliya Mudane Abdullahı Hashi ayaa gudoonsiiyay hadyadiisa Dr.Ahmed İsak Hussein oo kaalinta labaad galay.
  • Maamulaha İsbitaalka Assoc.Prof.Dr. Mustafa ÇÖRTÜK ayaa gudoonsiiyay hadyadiisa Dr.Abdifitah Ahmed  Sheikh oo kaalinta Sadexaad galay.

 

Markii ka qeybgalayaashii kale la gudoonsiiyay Shaahaadooyınkoodii waxaa la booqady boorarka. Waa marki ugu horeysay oo lagu qabto Soomaaliya, in boorar lagu soo bandhigo baaritaanada iyo daaweynta lagu Sameeyo isbitaalkeena. Waxaan qorsheyneynaa inaan joogteyno barnaamijkaan marka xigana waxaan rajeyneynaa inaan si wadajir ah uwada qabano jaamacadaha iyo isbitaalada kale ee wadanka.

 

Waxaan uga mahadcelineynaa dhamaan shaqaalahii ka shaqeeyay qabsoomida barnaamijkaan taageeradooda martidana kasoo qeyb galkooda,dhaqaatiirtana dadaalkooda.





  • 114aa288-e587-409e-b141-663b00ad2faf.jpg
  • 6c889350-6391-4e89-966b-c5b21280f93a.jpg
  • a018d289-61d6-4a1b-b2e2-7fb3362e167e.jpg
  • c20ae416-34cf-449a-a957-40be6a2550a1.jpg
  • c305dc24-3f6d-4427-baab-149d63cf037e.jpg