Bukaan la keenay qeybta degdegga ah oo si guul leh loogu sameeyay qaliinka dhuunta.
08.12.2018

Waxaa qeybta degdegga ah la keenay bukaan lab ah oo 16 jir ah kana qaba dhaawac uu sababay qalabka wax jara ama muda dhuunta oona ka cabanaya feero xanuun iyo neefta oo ku yar. kompiyuutar laga saaray dhuunta wuxuu sheegay inay ku siyaadeyso subcutaneous emphysema dhuunta iyo wajigaba sidoo kale cilad weyn ayaa ka jirtay dhuunta oo uu sababay dhawaca muditaanka  waxaa kaloo la ogaaday inay ku jirto hawo badan mediastinumka.cabashada bukaanka oo sii siyaadeysay darteed dhaqaatiirta ay quseyso ayaa ka shiray si ay u go’aansadaan qaabka ay ula tacaali lahaayeen. Qaliinka dhuunta oo adag darteed waxaa si maqal iyo muuqaal ah la tashi loola sameeyay dhaqaatiir Turkiga joogta oo kala ah Prof. Dr. Erdoğan Çetinkaya and Assoc. Prof. Dr. Hasan Akın. Waxaa la go’aamiyay in bukaanka si degdeg ah loo qalo. Qaliinka si guul ah ayuu ku dhamaaday bukaanka waxaa la jiifiyay qeybta Xaalada Daran 1maalin.kadib bukaanka waxaa la jiifiyay qeybta bukaan jiifka maanta ayaana la bixiyay ayadoon wax dhib ahi imaan.

Maamulaha isbitaalka Assoc.Prof.Mustafa ÇÖRTÜK ayaa uga mahadceliyay dhaqaatiirtii qiimeysay qaliinkana ku sameysay Op. Dr. Ahmet Mahmut Tekin, Dr. Akın Bilir, iyo dhaqaatiirtii na caawisay ee Turkiga joogtay Prof. Dr. Erdoğan Çetinkaya and Assoc. Prof.Dr. Hasan Akın, iyo dhamaan shaqaalihii caafimaad ee gacanta ka geystay qaliinkaan.sidoo kale maamulaha isbitaalka wuxuu adkeeyay inay sii wadi doonaan adeegga caafimaad ee ay uhayaan shacabka Soomaaliyeed.




  • 1.jpg
  • 2.jpg
  • 3.jpg