Fariin mahadcelin ah oo inooga timid Ingiriiska
20.02.2019

            Waxaa 4’ta bisha November la keenay qeybta Degdegga isbitaalka bukaan lagu magacaabo Abdirahman Nur oo qaba dhawaac xabad ah,dhiig bax saa’id ah iyo shook dartiis bukaanka waxaa loo qaaday qaliin degdeg ah.bukaanka wuxuu qabay dhaawac qeybta hoose ee caloosha ah waxaa qaliinkiisa fuliyay koox dhaqaatiir ah oo uu hogaaminaayay dhaqtar bare qaliinka guud ah Assoc.Prof.Dr. Kemal Arslan iyo dhaqtar kalkaaliye qaliinka wadnaha iyo xididada Dr.Abdinafic Mohamud HUSSEIN. Bukaanka waxaa kala go’ay halbowlaha right groin ka waxaana la kabay ayadoo la isticmaalaayo xidid artifical ah,waana qaaliin Soomaaliya  kaliya lagu sameeyo isbitaalkeena.bukaanka intii loo soo waday isbitaalka waxaa ku dhacay dhiig bax saa’id ah iyo organ nutrition disorder sidaas darteed waxaa la soo gudboonaaday kilyaha iyo beerka inay shaqeyn waayaan,daawayntii loogu sameeyay qeybta Xaaladda Adag ayna sameeyeen qeybaha Suuxiyayaasha,Cudurada guud iyo cudurada faafa ayaa lagu guuleystay daaweyntooda.

             Kadib daaweynta,bukaanku wuxuu codsaday in soo kabashada  uu ku qaato wadanka İngiriiska oo uu daganyahay waana la fasaxay markii la arkay in caafimaad ahaan aysan wax dhib ah ku ahayn.bukaanka wuxuu noo soo diray  video asagoo nala wadaagay siduu ugu faraxsanyahay daaweyntii loo sameeyay iyo inuu dib lugihiisa ugu socday,wuxuuna umahadceliyay dowladda Turkiga oo usuuro gelisay shacabka Soomaaliyeed inay helaan isbitaalka heerkiisu sareeyo,wuxuu kaloo umahadceliyay shacabka Turkiga iyo dhamaan shaqaalaha isbitaalka.

            Isbitaalka Muqdisho Soomaali-Turki Recep Tayyip Erdoğan wuxuu urajeynayaa bukaankaan iyo bukaanada isbitaalka dhamaantood in alle caafimaad buuxa siiyo.