Kulanka Gudiga Anshaxa Cilmi baarista Caafimaad.
22.04.2019

Ujeedada Gudiga Anshaxa Cilmi baarista Caafimaad waa in la sameeyo Cilmi Baaris Caafimaad ee lataaban karo ayadoo laga fakaraayo baahiyaha bulshada, iyo in la xafido xuquuqda iyo badbaadada Mutadawiciinta ka qeyb qaadanaayo Cilmi Baarista Caafimaad ayaa waxaa markii labaad 2019’ka kulmay gudiga anshaxa Cimli Baarista ee uu Madaxda u yahay Maamulaha İsbitaalka Tababarada iyo Cilmi baarista Recep Tayyip Erdoğan ee Muqdisho Soomaaliya-Turkiga Assoc.Prof.Dr.İsmayil YILMAZ.

İsbitaalku waa goobta kaliya ee uu ka howlgalo Gudiga Anshaxa Cilmi baarista caafimaadgudaha Soomaaliya.Markii ugu horeysay uu kulmo Gudiga anshaxa waxay ahayd 2017’dii ilaa hada wuxuu qabtay 133 codsi,13 kamid ah waxay buuxin waayeen heerkii laga rabay waana la diiday, halka 18 ka mid ah la dalbaday in dib loo habeeyo marki la dhameystiray waxyaalihii ka dhimanaa ayaa la ansixiyay. Wadar ahaan 121 daraasad cilmiyeed ayaa la ansixiyay. Gudiga anshaxa oo kulmawaqti ka waqti wuxuu dadaal ugu jiraa sidii uu waxbarashada iyo Sayniska Soomaaliya hormarinteeda ugu qeyb qaadan lahaa. 



  • WhatsApp Image 2019-04-20 at 11.34.17 (1).jpeg
  • WhatsApp Image 2019-04-20 at 11.34.17.jpeg
  • WhatsApp Image 2019-04-20 at 11.34.18.jpeg
  • WhatsApp Image 2019-04-20 at 11.34.19 (1).jpeg
  • WhatsApp Image 2019-04-20 at 11.34.19.jpeg