Dhalaankii 800 gram culeyskiisu ahaa oo ka gudbay xaaladii adkeyd.
29.04.2019

Waxaa Isbitaalkeena la keenay Ilmo Dhicis ah oo ku dhashay 28 Asbuuc culeeskiisuna yahay 800 gram laguna magacaabo Cubeyd wuxuu ka gudbay 78 bari oo uu xaalad adag ku jiray. Shaqada Sanbabadiisa oo aad uliidatay darteed waxaa lagu xanaaneynayay 60 bari qeybta Xanaanada Dhalaanka wuxuuna ku neefsanaayay qalabka neefsashada. Si uu ushaqeeyo Sanbabkiisa waxaa la siinaayay daawada Surfactant (Waxay Hagaajisaa Shaqadda Sanbabadda). Waxaa kaloo laga daaweeyyay Bronchopulmonary dysplasia (Cudaradda ku dhaca Sanbadda Dhalaanka). Waxaa Caanaha Hooyada lagu siinaayay Soondo ilaa uu ka gaaro 36 Asbuuc. Sodon iyo Lix Ascbuuc kadib Caanaha Afka ayaa laga siinaayay. Cubeyd Cabdulaahi waxaa asagoon neefsashada dhib ku qabin culeeskiisuna yahay 1860 gram caafimaadkiisuna wanaagsanyahay ayaa isbitaalka laga bixiyay waxaana lagula taliyay in Caanaha Hooyada iyo Quudin kaleba la siiyo. Dhaqtarka Cudurada Caruurta Isbitaalka Dr. Mehmet Deniz Erhan wuxuu sheegay in ilmahaan Dhiciska ah in uu marxaladaan adag ka gudbo waxaa suurogaliyay Allah iyo dadaalka iyo howlkarnimada Dhamaan Shaqaalaha Caafimaad ee Qeybta Xanaanada dhalaanka iyo Dhaqaatiirta Diyaarineysa Takhasusuka Cudurada Caruurta. Qof kasto oo wax ka geystay intii ay socotay howshaan waxaan leeyahay Ilaahay haka abaal mariyo.

  • WhatsApp Image 2019-04-27 at 07.36.12 (1).jpeg
  • WhatsApp Image 2019-04-27 at 07.36.12.jpeg