Bandhigyada asbuuca dhaqaatiirta diyaarineysa takhasuska ee 2019.
30.04.2019

Ayadoo lagu guda jiro dabaaldega asbuuca Dhaqaatiirta diyaarineysa Takhasusuka ee 2019’ka waxaa isbitaalka Tababrada iyo Cilmi baarista Recep Tayyip Erdoğan ee Muqdisho Soomaaliya-Turkiga lagu qabtay bandhigyo. Bandhigyada waxaay ku bilowdeen kasoo qeybgal balaaran.Bandhigyada waxaa lagu furaykulan kubada cagta ah oo ay fooda isku dareen dhaqaatiirta qeybaha qaliinka iyo dhaqaatiirta qeybaha daaweynta cudurada. Waxaa 6:3 ku awood sheegtay dhaqaatiirta Daaweynta Cudurada. waxaa xigay tartan Xarig jiid ah oo dhexmaray dhaqaatiirta Qeybaha qaliinka iyo Dhaqaatiirta Qeybaha Daaweynta Cudurada waxay guushu raacday dhaqaatiirta Qeybaha Qaliinka. Sidoo kale waxaa la qabtay tartan orod ah oo ay kasoo qeyb galeen 24 dhaqtar massafada tartanka waxay ahayd 1500 mitir waxaa kaalinta 1aad galay Dhaqtarka diyaarinaayo Takhasuska Qaliinka guud Dr.Nur Abdi Yasin. Tartanadaan intay socdeen waxaa kasoo qeyba galay dhamaan shaqaalaha İsbitaalka oo aad uxiiseynayay aadna ula dhacsanaa.Maamulaha isbitaalka o oka warbixinaayya bandhigyadaan wuxuu yiri “ ujeedadeenu waa in aan ku dhiirigalinaa dhaqaatiirta diyaarineysa Takhasuska dadaalkooda iyo howlkarnimadooda oo ay habeen iyo maalin ay ugu adeegaan bukaanada, aanna usameeyno tartano ay ku iloobaan howsha culus ey haayaan. Bandhigyadaan quruxda badan ee asbuuca  dhaqaatiirta way sii socon doonaan ilaa asbucaan.


  • WhatsApp Image 2019-04-29 at 11.43.58 (1).jpeg
  • WhatsApp Image 2019-04-29 at 11.43.58.jpeg
  • WhatsApp Image 2019-04-29 at 11.43.59 (1).jpeg
  • WhatsApp Image 2019-04-29 at 11.43.59.jpeg
  • WhatsApp Image 2019-04-29 at 11.44.00.jpeg
  • WhatsApp Image 2019-04-29 at 11.45.13.jpeg
  • WhatsApp Image 2019-04-29 at 11.45.14.jpeg
  • WhatsApp Image 2019-04-29 at 11.45.15.jpeg