Gabadhii 7 jirka ahayd Naciimo oo ka gudubtay xaalad adag.
14.05.2019

Gabadhii 7 jirka ahayd Naciimo oo ka gudubtay xaalad adag.

Qaliinka Thoracotomy oo ah Qaliimada Naadirka ah ee lagu sameeyo Dalka, Waxaa loogu sameeyay İsbitaalka Tababarada iyo Cilmi Baarista Recep Tayyıp Erdoğan ee Muqdisho Soomaaliya-Turkiga gabar yar 7 jir ah laguna magacaabo Naciimo Cabdinaasir Maxamuud oo Laqday Bir waxayna ka gudubtay xaalad adag.

Dhaqtarka Qaliinka Feeraha Op. Dr. Ruya ACAROĞLU oo ah dhaqtarkii fuliyay qaliinka ayaa sheegay “in walax ay laqday 3’dii bisha May 2019 uu sababy dhibaato dhanka neefsashada ah kadibna Naciimo la keenay Isbitaalka baaritaanadii la sameeyay waxaa lagu ogaaday in hawo mareenka weyn ee bidix uu ku jiro walax bir ah oo cabirkiisu yahay 2 cm, arintaan darteed waxaa sambabka bidix ee gabadha ku dhacay caabuq waxaana dhib ku noqotay neefsashada. Baaritaanadii kadib waxaa loo sameeyay qaliin lagu guuleystay walaxii birta ahaana waan ka saarnay. Markii laga saray walaxii birta waxaa furmay wadadii hawada sambabka bidixna caabuqii waa laga daweeyay neefsashadii bukaankana caadi ayay kusoo laabatay.

  • WhatsApp Image 2019-05-11 at 08.20.57.jpeg
  • WhatsApp Image 2019-05-11 at 08.20.58 (2).jpeg
  • WhatsApp Image 2019-05-11 at 08.20.58.jpeg