Koorso tababar haweenka uurka leh oo ka furmay isbitaalkeena.
20.06.2019

Waxaa bilawday tababar loo fidiyay haweenka uurka leh ee isbitaalka tababarada iyo cimli baarista Recep Tayyip Erdoğan ee Muqdisho Soomaaliya Turkiga. Asagoo kahadlaayo fasalka tababarada haweenka uurka leh wuxuu maamulaha isbitaalka Assoc.Prof.Dr. İsmayil YILMAZ  yiri  “ Soomaaliya waxay ka mid tahay wadamada ugu sareeya heerka dhimashada hooyada iyo dhalaanka aduunka, waxaan furnay fasalkaan si haweenka markay uurka qaadaan ilaa ay ka dhalayaan mudadaas ay si dhib la’aan ah ugu dhalaan. Waxaan rajeynayaa in fasalkaan aan furnay uu unoqdo adeeg wanaagsan umadda Soomaaliyeed insha Allah.’’

Sidoo kale maamulaha Adeegyada Caafimaadka Hülya ÖZMEN ayaa tiri “ waxaa koorso haweenka uurka leh lagu tababaraayo laga furay isbitaalkeena wajigiisii koowaad 21 haween shaqaalo ah oo uur leh”. Waxaa tababaro 4 asbuuc socon doono oo la xiriiro in haweenka uurka leh ay si firfricoon uga qeyb qaataan dhalmada, dhalaan caafimaad qabo inay dhasho iyo waqtiga dhalmada inaysan ku dhibtoon, iyo astaamaha dhalaanka, qiimeynta iyo xanaaneynta dhalaanka, talaalista iyo daawooyinka la siiyo dhalaanka  waxaa  bixin doono  dhaqaatiirta takhasuska diyaarineysa ee qeybta cudurada haweenka iyo qeybta caruurta. hadafka tababarkaan ayaa ah in haweenka uurka leh ee qaatay tababarada waqtiga dhalmada la yareeyo ayagoo la siinaayo taageero,in la yareeyo heerka qaliinka afka qalaad lagu dhoho cesarean, yarenta baahida xanuun baabi’iyaha iyo daawooyinka kale,iyo yarenta dhimashada hooyada iyo dhalaankaba.

  • IMG_20190611_133606.jpg
  • IMG_20190611_133620.jpg
  • IMG_20190611_133631.jpg
  • IMG_20190611_133635.jpg
  • IMG_20190611_133803.jpg
  • IMG_20190611_133819.jpg
  • IMG_20190611_133828.jpg
  • IMG_20190611_133855.jpg
  • IMG_20190611_133923.jpg
  • IMG_20190611_133925.jpg
  • IMG_20190611_133926.jpg
  • IMG_20190611_133939.jpg