Tartan Kubadda Cagta oo U Dhexeeya Shaqaalaha Isbitaalka
23.06.2019

Shaqaalaha  Isbitaalka oo wacdaro u muujiyay Maamulaha isbitaalka.

Shaqaalaha Isbitaalka Tabarada iyo cilmibaarista ee Muqdisho Somaali Turkiga ayaa arin lama ilaawaan ah qalinka ku duugay. Tartaankaa oo loogu talagaalay in lagu sagootiyo Maamulaha isbitaalka Assoc. Prof. Dr. İsmayil YILMAZ looguna magac daray tartanaka ayaa qeybaha laga soo saaray 8 kooxood oo isugu jira dhamman shaqaalaha isbitaalka. Boorka loogu tala galay tartanka halku dhig ahaan waxa lagu soo qoray ‘ Maamule waxaan kaaga mahadcelineynaa mudadii gaabneyd ee aad joogtay dalka waxqabadkii aad u qabatay isbitaalka iyo shacabka soomaaliyeed ’ xaflada furitaanka tartanka waxaa ka hadlay Dr. Mohamed Mukhtar Qasim asiga oo ku hadlayay magaciisa iyo dhamman magaca shaqaalaha wuxuuna yiri: maamulaheena wuxuu yimid isbitaalka 4 bil ka hor, anaga iyo isbitaalkaba wuxuu geliyay juhdi farabadan wuxuu garab naga siiyay dhinaca tababardeena qofwalba oo soomaali ahna aad ayee u amaantay. Waxaana go’aansanay inan bandhig ciyaareed oo sagootin ah u sameyno taas oo uu nagu xasuusan doono. Alle waxaan uga baryeeynaa in uu abaalkiisa iyo kan dowladda Turkiga gudo.

Tartanka oo ay dhexdhexaadin donaan garsoorayaal ka socda xiriirka kubadda cagta soomaaliyeed goobjoogna ka ahaayeen  teleefishinada maxaliga ah waxaa furay hadal koobanna ka jeediyay  maamulaha isbitaalka Assoc. Prof. Dr. İsmayil YILMAZ.



  • 15.jpg
  • 1 (1).jpeg
  • 1 (10).jpg
  • 1 (11).jpg
  • 1 (12).jpg
  • 1 (13).jpg
  • 1 (14).jpg
  • 1 (2).jpeg
  • 1 (3).jpg
  • 1 (4).jpg
  • 1 (5).jpg
  • 1 (6).jpg
  • 1 (7).jpg
  • 1 (8).jpg
  • 1 (9).jpg
  • kapak.png