Kulankii 1aad ee Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee Cudurada Uur ku jirta
23.12.2019

Kulan aqoon is weedaarsi oo ay so abaabuleen  ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee Cudurada Uur ku jirta  (Somali Society Of Internal Medicine) ayaa lagu qabtay xarunta Jamacada Cilmiga Caafimaadka ee Mogadishu.

Kulankaan oo ay ka so qayb galeen maamulka safarada Turkiga, Maamulka isbitaalka Recep Tayyip Erdogan, maamuulka jaamacada cilmiga caafimaad iyo  dhaqaatiirta ka kala socotay isbitaala kala duwan ayaa waxaa looga hadlayay cudurada ay ka mid yahiin Sokorta, Dhiig karka, Wadna xanuunka, iyo qaaxada, sidoo kalana lagu so bandhigay cilmi baarisyo ay sameeyeen dhaqaatiir Soomaaliyeed.

Kulankan oo socday laba maalin (19-20 December 2019 ) ayaa maalintii koowaad ee Kulanka aqoon is weedaarsiga waxaa lagu qaatay koorso lagu baranaayay Sida loo sameeya Cilmi barista caafimaad.

Kulankan ayaa ah kii ugu horeeyay oo ay qabtaan Somali Society of Internal Medicine, loogana hadlaya cudurada badan oo dilaa ah, isla markaana ku badan wadankeena, ayay dhaqaatiirta ka wada hadleen sidii lo dawayn lahaa, loogana hortagi karaa, isla markaan dadka loo wacyi galin lahaa.

Kulankan waxaa taaba galiyay Isbitaalka Tababarada iyo Cilmi Baarista ee Recep Tayyip Erdoğan Muqdisho Soomaaliya iyo Jaamacada Cilmiga Caafimaadka ee Mogadishu.

  • 1.JPG
  • 2.jpg
  • IMG_7537.JPG
  • IMG_7607.JPG
  • IMG_7631.JPG
  • IMG_7649.JPG
  • IMG_7675.JPG
  • IMG_7678.JPG
  • IMG_7729.JPG
  • IMG_7741.JPG
  • IMG_7745.JPG
  • IMG_7781.JPG
  • IMG_7834.JPG
  • IMG_7915.JPG
  • IMG_7936.JPG
  • IMG_7971.JPG
  • IMG_7998.JPG
  • IMG_8009.JPG
  • IMG_8020.JPG
  • IMG_8029.JPG
  • IMG_8032.JPG
  • IMG_8037.JPG
  • IMG_8046.JPG
  • IMG_8048.JPG
  • IMG_8091.JPG
  • IMG_8131.JPG