Waxaa Soomaaliya markii ugu horeysay lagu sameeyay PROSTHESIS (Lug iyo Gacan Macmal Ah)
26.01.2020

Bukanadda dhaawaca ka soo gaara Lugaha ama Gacmaha oo natiijadooda noqota in laga jaro mid ka mid ah Lugaha ama Gacmaha, waxay Xiliyadii hore u aadi jireen Dibaddda si ay u soo sameystaan Lugo ama Gacmo macmal ah, waxaa hadda Isbitaalka laga furay Xarun lagu sameeyo si Bukaanka uga maarmo Dibadda. Waxaa Sanad ka hor Isbitaalka timid Bukaan lagu magacaabo Asli Mohamed Muse 55 jir ah oo ka cabaneysay Nabar Sokoreedka Cagta, ka dib Isbitaalka ayaa la seexiyay waxaana laga jaray Lugta Bidix Jilibka hoostiisa. Markii ay u bogsatay qeybtii laga jaray ee Lugta waxay timid Xarunteena lagu sameeyo Lugaha iyo Gacmaha macmalka ah. Waxaa Bukaanka lagu wargeliyay in diyaarinta Xarunta lagu sameeyo Lugaha iyo Gacmaha macmalka ah ay socoto waxaana loo qabtay ballan waqtiyada soo socda ah si looga qaado cabir lugta meeshii laga jaray. Markay dhamaatay diyaarinta Xarunta Prosthesiska bukaanka ayaa laga qaaday cabirka lugta. Asbuuc kadib waxaa bukaanka loo galiyay lug macmal ah si tijaabo ah waana lagu socodsiiyay. Bukaanka waxaa la siiyay laba asbuuc oo tababar ah (hab socodka lugta macmalka) wuxuuna ku baxay lugihiisa. Asli Mohamed Muse markay u dhamaatay Lugtii loo xiray oo ay dib lugaheeda ugu socotay Alle ayey u mahadcelisay waxayna tiri ‘‘ wan fiicanahay Lugahayga inaan dib ugu socdo waxay ii tahay nolol cusub’’ . Sidoo kale Necati Yücel YILDIZ howlwadeenkii suuro geliyay in markii ugu horeysay wadanka Soomaaliya Bukaan Jilibka hoostiisa laga jaray la galiyo Lug macmal ah ayaa yiri ‘‘Xaruntaan aan dhisnay waxaan rajeynayaa inay Bukaano badan ay ka faaideysan doonaan sidoo kale ay noqon doonto Xarun si joogto ah ubixiso adeegaan’’




  • WhatsApp Image 2020-01-19 at 3.24.57 PM.jpeg
  • WhatsApp Image 2020-01-19 at 3.25.19 PM.jpeg
  • WhatsApp Image 2020-01-19 at 3.30.38 PM.jpeg
  • WhatsApp Image 2020-01-19 at 3.36.41 PM.jpeg