Guddiga xakameynta cudurada faafa ee isbitaalka
11.04.2020


Guddiga xakameynta cudurada faafa ee isbitaalka waxay aas-aaseyn guddi, si looga hortago halista cudurka COVİD-19,  laga soo bilaabo

16.03.2020 waxaa la qabtay kulamo lagu go’aamiyay talaabooyinka soo socda:

Waxaa la bilaabay in laga furo irrida hore ee laga soo galo isbitaalka qeyb bukaan eeg ah (Triage).

Qeybta gargaarka deg-degga waxaa loo sameeyay Qol karantiil ah bukaanada laga shakiyo si loogu haayo.

In bukaanada laga shakiyo loo xiro maaske (surgical mask) inta loo gudbinaayo isbitaalka ay u diyaarisay Dowladda.

In dhamman shaqaalaha caafimaadka u adeegaya bukaanka ay xirtaan maaske (surgical mask).

In bukaanka jiifa loo ogol yahay hal qof (bukaan la joog) la joogo iyo booqashooyinka la yareyo.

In la kordhiyo hab nadiifinta jeermiska dusha sare meelaha had iyo jeer ku badan tahay taabashada gacanta iyo in loo sameeyo nadaafada si dhameystiran maalinkasta.