Maamulka isbitaalka ayaa booqday Mogadishu University iyagoo kulan la yeeshay maamulka jaamacadda oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Jaamacadda Dr. İbrahim Mohamed Mursal, Gudoomiye ku xigeenka Mohamed Ali Omar, Hormuudka kulliyadda caafimaadka Mohammed Ahmed Mohammed.
Kulankaan waxaa diiradda lagu saaray xiriirka iskaashi ee ka dhaxeeya Jaamacadda Muqdisho iyo isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan.
Maamulka Jaamacadda ayaa aad u bogaadiyay hawlaha iyo adeegyada uu isbitaalka uqabto bulshada Soomaaliyeed kuna tilmaamay arin ku dayasho mudan.