Maamulka Isbitaalka ayaa beeray ku dhawaaad 108 geed oo lagu xusaayo Leyla yar iyo dhamaan caruurta Soomaaliyeed ee waxyeeladu kasoo gaartay colaadihii sokeeye.
Lynn Matthews oo ah haweeney kalkaaliso ah una dhalatay dalka Mareykanka ayaa soo booqatay Isbitaalka iyadoo ka sheekeesay dhacdo aan qalbigeeda ka bixin oo ay 1992-dii Isbitaalka Recep Teyyip Erdoğan oo xiligaas loo yaqaanay Dikfeer kula kulantay.
Dhacdadaas oo ku saabsanayd Leyla yar oo 12 jir ahayd oo iyadoo xabad ku soo dhaawacantay la keenay isbitaalka.
Leyla xaaladeeda caafimaad oo liidatay awgeed waxay joojisay cuntadii, waxayna sheegtay in waxa keliya ay cunikarto uu yahay Tufaax oo aan xiligaasi suurtagal ahayn.
Hadaba maamulka Isbitaalka iyo Lynn Matthews waxay Tufaax ku beereyn gaaraya 108 geed iyadoo la xusaayo Leyla iyo dhamaan caruurta Soomaaliyeed ee ku geeriyooday colaadihii sokeeye.