Dhaqaatiirta Isbitaalka oo dawooyin iyo baaritaano bilaash ah u sameeyay caruurta ku xareesan Xarunta Maama Ugaasa.
Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan la wadaagno umadda Soomaaliyeed in dhakhaatiirteena dadaalka badan ee Isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan ay dhawaan booqasho ku tageen Xarunta Maama Ugaasa ee daryeelka Agoomaha iyo caruurta aanan haysan guryaha.
Dhaqaatiirta oo si qalbi furan u gudanaya mas’uuliyadooda bulsho ayaa siiyay dawooyin iyo baaritaano bilaash ah carruurta ku jirta xarunta.
Hindisahan ayaa marag u ah sida ay nooga go'an tahay horumarinta iyo taageeridda bulshada oo ay ugu horeeyaan caruurta Soomaaliyeed.
Hadaba balanteenu waa daryeelka iyo badqabka caruurta Soomaaliyeed.