Ogeysiis Muhiim ah: Imtixaanka Gelida Takhasuska caafimaadka
09.10.2024

OGEYSIIS MUHIIM AH

 

Waxaa bahda caafimaadka Soomaaliyeed la ogeysiinayaa in uu dhawaan bilaabmaayo Imtixaanka Gelida Takhasuska caafimaadka (Medical Residency Entrance Exam).

 

İsdiiwaangelintu waxay socondoontaa inta udhaxeesaa  12 𝐎𝐜𝐭𝐨𝐛𝐞𝐫 ilaa 31 𝐎𝐜𝐭𝐨𝐛𝐞𝐫 2024.

 

Shuruudaha Isdiiwaangelinta:

 

Hadaba qof walba oo daneenayaa gelida İmtixaanka waxaa looga baahanyahay inuu soo buuxsho dhamaan shuruudahaan hoos ku qoran:-

 

1) Shahaadada iyo Transcript ka jaamacadda orijinal iyo copy islamarkaana tasdiiqsan.

2) 2 sawir oo teesaro ah, sawiradana waa in la iska qaaday 6dii bilood ee lasoo dhaafay (updated pictures).

3) Baasaboor Soomaali ama warqadda dhalashada iyo sugnaanta.

4) Bixinta lacagta isdiiwaangelinta oo dhan 100$ (boqol doolar)

 

Waxaa sidoo kale goor dhaw la shaacin doonaa qeebaha loo baahanyahay iyo tiradooda inshallah.



diiwaangelinta imtixaanka