XAFLADA QALİNJABİNTA EE DUGSIGA CULUUMTA ADEEGYADA CAAFİMAADKA EE MUQDİSHO RECEP TAYYİP ERDOĞAN.
20.06.2019

13.06.2019 maalin khamiis ah waxaa xaflad weyn oo qalinjabin ah ay ka dhacday xarunta dugsiga culuumta adeegyada caafimaadka ee ku dhexyaala isbitaalka tababarada iyo cimli baarista Recep Tayyip Erdoğan Muqdisho Soomaaliya-Turkiga. Waxaa qudbad taariikhi ah ka jeediyay maamulaha jaamacadda culuumta caafimaadka Prof.Dr.Cevdet ERDÖL, wuxuuna  ka sheegay xaflada qalinjabinta “  muhiimada iyo macnaha ay leedahay in la rumeeyo riyadii sultan Abdulhamid Han ee   ahayd in xirfadlayaal caafimaad loo soo saaro caalamka islaamka”

Xaflada qalinjabinta ee lagu qabtay dugsiga culuumta caafimaadka waxaa kasoo qeybgalay Wasiiradda caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr.Fawziya Abikar,Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet YILMAZ, Maamulaha Jaamacada Culuumta Caafimaadka Prof.Dr.Cevdet ERDÖL, Maamule ku xigeenka Jaamacada Prof.Dr.Kadriye kart Yaşar, Maamulaha isbitaalka Assoc.Prof.Dr. İsmayil YILMAZ, iyo macalimiinta iyo maamulka dugsiga culuumta caafimaadka, ardayda iyo waalidiinta. Waxaa xaflada lagu furay astaamaha qaranka Soomaaliya iyo Turkiga. Maamulaha jaamacada culuumta caafimaadka oo ka hadlayay xaflada ayaa sheegay muhiimada weyn ey leedahay in jaamacad ku taalo wadanka Turkiga dugsi lagu barto culuumta caafimaadka ka furto dibadda markii ugu horeysay taariikhda uuna dugsigu soo saaray dufcadiisii ugu horeysay.

Sultan Abdulhamid Han wuxuu aasaasay xarun lagu barto culuumta caafimaadka asagoo ujeedadiisu eheyd inuu usoo saaro xirfadlayaal caafimaad caalamka islaamka taas ayadoo laga duulaayo lagana faaideysanaayo fursadaha maanta ayuu madaxweynaha Turkiga wuxuu si shaqsi ah u amray uuna aasaasay jaamacaddaan. Micnihii loo aasaasay jaamacada darteed waxaa xarun looga furay waddan aad noogu weyn Soomaaliya waxaana aad ugu faraxsanahay inaan ka qeyb galo xafladaan qalin jabinta ah.

Kadib kalmadihii ay soo jeediyeen wasiirada caafimaadka Soomaaliya Dr.Fawziya Abikar, Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet YILMAZ iyo madaxdii kale waxaa hadiyado kala duwan la gudoonsiiyay ardaydii kaalimaha hore galay waxaa sanad dugsiyeedka 2018-2019 ka qalin jabiyay dugsiga culuumta caafimaadka 42 arday xaflada ayana kusoo dhamaatay jawi farxadeed.



  • 1.jpg
  • 10.jpg
  • 11.jpg
  • 12.jpg
  • 13.jpg
  • 14.jpg
  • 15.jpg
  • 16.jpg
  • 17.jpg
  • 18.jpg
  • 19.jpg
  • 2.jpg
  • 20.jpg
  • 3.jpg
  • 4.jpg
  • 5.jpg
  • 6.jpg
  • 7.jpg
  • 8.jpg
  • 9.jpg