Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u FadhiyaSoomaaliya ee Muqdisho Mudane Ibrahim Mete YAĞLI iyo Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa booqday Isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan. Maamulaha İsbitaalka Assoc.Prof. Dr. Mevlüt Karataş ayaa kooxda soo booqatay siiyay macluumaad ku saabsan adeegyada caafimaad ee laga bixiyo isbitaalkeena.