Abaal marin la xiriirta adeega Caafimaad ee Qaliimada Wadnaha ee isbitaalku bulshada u hayo
13.10.2024


Op.Dr. Abdınafic Mohamud Hussein oo ka mid ah bahda Mogadishu Somali¬ Türkiye Recep Teyyip Erdoğan ayaa gudoomay abaal marin la xiriirta adeega Caafimaad ee Qaliimada Wadnaha ee isbitaalku bulshada u hayo gaar ahaan horaantii sanadkaan oo markii ugu horeesay guud ahaan Soomaaliya laga hirgeliyay Qaliinka Wadnaha Furan.

 

Qaliinka Wadnaha Furan waxaa bishii March ee sanadkaan ku guulaystay inay fuliyaan koox uu horkacayay Dr. Abdinafic  isla markaana adeegsanaya qalab casri ah.

 

Dhamaan bahda Isbitaalka oo ugu horeeyo Maamulka waxaan leenahay hambalyo waad ku mahadsantihiin shaqadii aad bulshada u qabateen.

 

Balanteenu waa u adeegida bulshada Soomaaliyeed..

#SOHA2024#



3

1

2