Mataanihii isku dhaganaa oo lagu guuleystay baaristooda caafimaad
21.05.2018

Waxaa isbitaalkeena la keenay mataano isku dhaggan oo ay yartahay in lagu arko adduunyada kuna  dhasheen  magaalada Muqdisho. Dhaqaatiirteena ayaa saaray raajato iyo MRI, waxaa kale loo sameeyay baaris dhiig. Xaalada ay kusuganyihiin darteed in qaliin lagu sameeyo ma haboona. Sidoo kale naas nuujinta hooyada iyo kiilo inay qaataan ilmaha dhibaato caafimaad kama imaaneyso, kilyaha iyo mindhicirada si caadi ah inay ushaqeynayaan ayaa la arkay. İntii mataanaha isku dhagan ay isbitaalka ku jireen dad badan ayaa soo booqday iyo maamulka isbitaalkaba, markii la arkay in xaalad ay ugu sii jiraan isbitaalka aysan jirin  waxaa lagula taliyay in ay si joogto ah baaris ugu yimaadaan isbitaalka sidaas ayaana looga saaray .

Waxaan leenahay mataanaha isku dhaggan alle ha idin caafiyo. Sida markasta aad nooga barateen  waxaan diyaar idin la nahay inaan idinka caawinno dhibaatooyinka caafimaad.

IMG-20180421-WA0008.jpg